Puntland oo xirtay Siyaasiyiin Caan ah

Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa lagu xiray Siyaasiyiin lagu eedeeyay in ay kasoo horjeedeen maamulka Puntland sida ay inoo xaqiijiyeen laamaha Amniga.

Siyaasiyiinta la xiray ayaa ka tirsanaa Madasha Samata bixinta Puntland.

Xubaha la xiray waxaa ka mid ah Dr. C/rixmaan Siciid Maxamud (Dhegawayne) oo xilal kala duwan Puntland, ka soo qabtay,Daahir Ciro oo horay u noqday Xildhibaan Dowladii Fedraalka KMG aheyd ee Soomaaliya, Ganacsade Duni Maxamed Guulato iyo Faysal Faarax Cali.

Amarka lagu soo xiray xubnahaasi ayaa la sheegay in uu bixiyay Madaxweynaha maamulka Puntland.

Saraakiisha Ciidamada Ammaanka Garowe ayaa inoo xaqiijiyay in maalmihii dambe siyaasiyiintaasi ay jeedinaayeen Hadallo kicinaya Bulshadda.