Puntland oo magaalada Gaalkacyo ka bilaabeysa Hub aruurin

Puntland ayaa sheegtay in magaalada Gaalkacyo gaar ahaan qeybta ay maamusho inay ka bilaabeyso hawlgal hub ka dhigis ah, kaasi oo ay sameynayaan Ciidanka isku dhafka ah ee magaaladaasi ka hawlgala.

Gudddoomiyaha Magaalada  Gaalkacyo ee Puntland  Mudane Maxamuud Yaasin Axmed Tumey ayaa warbaahinta u sheegay in qorshahaasi hada uu diyaar yahay dhawaana lagu dhaqaaqi doono.

Wuxuu sheegay in Saddex bilood gudahood magaaladan aanan lagu arki doonin Qof iska wata isaga oo aan aheyn askari sidoo kalena aanan u diiwaangashaneyn Hay’adaha kala duwan ee ka hawlgala magaaladaasi.

 Shacabka magaalada Gaalkacyo ayuu ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka si ay u hirgasho hawlgalkan cusub ee maalmaha soo socda bilaabanaya.

Magaalada Gaalkacyo dhawr jeer oo hore waxaa ka dhacay dagaalo ay ku daateen dhiig badan, balse hada magaalada waxa ay tahay mid ka caagan dagaal.