Sacuudiga ayaa dib u soo celiyay xoolo ka dhoofay magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, waxaana xoolahaasi lahaa Ganacsato ka soo jeeda degaanada Puntland.
Markabka oo lagu magacabo Alafa ayaa waxa uu siday xoolo gaaraya 28,000 neef oo Arri ah, iyada oo arrintan ay war ka soo saartay Puntland.
Wasiirka Xanaanada iyo Xoolaha maamulka Puntland C/laahi Sheekh Axmed oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay Arrigan inuu ahaa kuwii loogu tala galay Ciidul Adxaa.
“Waa Markab la soo celiyay, weli runtii ma imaan, maalin dhaweyd ayaan ku rarnay xoolahaas oo dhammaantood ah Arri, waxaa la soo sheegayaa in laga helay cudur, annaguna waxaan aamin sanahay inaanu jirin warkaasi, berri ayay na soo gaarayaan.” Ayuu yiri Wasiirka Xanaanada iyo Xoolaha Puntland.
Dowladda Sacuudiga wali kama aysan hadlin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dib u soo celinta xoolahan nool ee ganacsatada Soomaaliyeed ay leeyihiin.