Puntland oo 7 dhalinyaro ku eedaysanaa Al-Shabaabnimo ku fulisay dil toogasho ah(SAWIRRO)

Waxaa maanta magaalada Boosaaso lagu toogtay 7 rag ah oo dhalinyaro u badan oo horay maxkamada ciidamada Puntland ugu xukuntay dil toogasho.

Dadkan ayaa lagu helay eedo ahaa in ay ka tirsanaayeen ururka Al-Shabaab iyo in ay dilal ka geysteen magaalooyin ka mid ah Puntland iyo qaar la sheegay in lagu qabtay iyagoo sida qaraxyo.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada ee shanta gobol ee Puntland Cawil Axmed Faarax ayaa sheegay raggan in horey xukun dil ah loogu riday, balse maanta lagu fuliyay xukunkooda.

Waxaa kaloo uu sheegay guddoomiyaha qaar ka tirsan raggan maanta la toogtay in ay qorsheynayeen qaraxyo ay ka fuliyaan waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Dhalinyarada lagu fuliyay xukunkan dilka ah ayaa lagu Kala magacaabaa.

Nuuradiin Axmed samatar Deerow (dadiisu 20 sano jir)
Ayuub yaasin cabdi ( dadiisu 32 sano jir )
Cali Ismaaciil cali (Cali gaab)(20 sano jir )
Xasan Aadan Xasan Maxamed (dadiisu 22 sano jir )
Cabdixakiin Maxamed Aways (dadiisu 24 sano jir )
Maxamed Yaasin Cabdi Maxamud (dadiisu 17 sano jir )
Daa uud siciid sahal (dadiisu 18 sano jir )
Ragan Maanta maxkamadu dilka ku fulisay ayay maxkamadu xukuntay 13 bishii February ee sanadkaan Waxaana ugu danbayn Maanta lagu fuliyay go’aankii Maxkamada,

©Goobsan Media