Puntland: Madaxweynaha Gaas oo Garoowe kula kulmay safiirka dalka Filand ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Xafiiskiisa madaxtooyada Garoowe kula kulmay wafti ka socday Dalka Findland.Waxaana wafdigan hogaaminayay Safiirada Soomaliya ee Findland Miss. Tarja Fernandez,

 

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinaayey masuuliyiin iyo qaar ka mid ah  goloyaasha Maamulka Puntland. Waxaa markuu soo dhamaaday Madaxweynaha Dawladda Puntland uu sheegay warfidiyeenada in Maamulkiisa iyo dalka Finland ay leeyihiin xiriir aad u wanaagsan isla markaana ay ka dhexayso wadashayn dhow.

Madaxweyne Gaas ayaa Sheegay in ay safiirka iyo weftiga wehelinayey ka wada hadleen Mashaariicaha horumarineed ee dawladda Filand ay ka fuliso Puntland iyo sidii ay usii horumarin lahaayeen, isla markaana ay ugu dedaalilahayeen sidii ay ugu soo dhamaan lahaayeen guul dhamaan mashaariicdaasi,

Dhanka kale Safiirada Finland MissFernandez ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay wada shaqyanta Puntland iyo dalkeeda isla markaana ay sii wadidoonaan wadashaqayntaasi ay la leeyihiin Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya,

©Goobsan  Media