Puntland iyo Soomaaliland oo Madaafiic isku Weydaarsaday Tukataq

Xaalad deganaansho ah ayaa Maanta laga dareemayaa deegaanka tukaraq ee gobolka Sool halkaas oo xalay fiidkii ay madaafiic isku weeydaar sadeen ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Puntland.

Dadka tirada yar ee ku haray tukaraq ayaa Warbaahinta ka howlgasha deegaanada Puntland waxa ay u sheegeen in xalay labada dhinac ay isku weeydaar sadeen furumaha dagaalka,iyada Shacabka markii hore ay  qabeen cabsi dagaal.

Weli lama sheegin khasaaraha labada dhinac ee ka dhashay madaafiicdii xalay,waxaana saakay tukaraq laga dareemayaa saan saantii ay reebeen.

Labada Maamul ayaa deegaanka tukaraq iyo deegaanada kale ee Gobolka Sool waxa ay ku soo gurayaan ciidamo farabadan,waxaana sidoo kale ay Warbaahinta isku marsiinayaan hadalo keeni kara in dagaalka uu dib u qarxo.