Puntland iyo Shirkad-da DP World oo Heshiis ku kala saxiixday Dubai

Maamulka Puntland  iyo shirkadda DP World ee Wadanka Isutaga Imaraadka Carabta  ayaa maanta magaaladda Abu-dubai ku kala saxiixday heshiis 30 sanno ah oo lagu ballaarinayo laguna casriyaynayo Dekeda magaalada Bosaso ee Gobolka Bari.

Heshiiskan  oo ku kacaya 336 milyan oo dollarka Maraykanka ayaa waxaa dhanka Puntland u saxiixay C/wali Maxamed Cali Gaas halka shirkadda P&O uu u saxiixay Suldaan Ahmed Bin Sulaymaan oo aha madaxa DP world,iyada oo  heshiiskan ay goob- ka ahaayeen madax ka tirsan Puntland oo ay ku jiraan wasiirka dekadaha iyo wasiirka maaliyadda.

Sultaan Ahmed Bin Suleyman  Maamulaha shirkada DPWOLd  oo ka hadlay munaasibadii saxiixa heshiiska  wuxuu tilmaamay  inay balaarinta dekada Boosaaso  aywax badan ku soo kordhin doonto ganacsiga iyo isu socdka wadamada Afrika iyo guud ahaan mandaqada oo dhan ,

Dhinac kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cai Gaas ayaa dhinciisa soo dhaweeyay  heshiiska , isagoo  u mahadceliyay shirkada P&O (DPWORLD) isagoo sheegay in mashuruuca dekeda Boosaaso uu qayb ka yahay mashaariicda kele ee Dawladdu wado ee horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.