Puntland: Hawlgalka Cal-miskaad oo lagu diley maleeshiyaad ka mid ah Daacish.

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen inta u dhexaysa Maragaale iyo Kalidaad ee Togga ku dilay saddex ka tirsan firxadka argagixisada Daacish, iyagoo sidoo kale gacanta ku dhigay hub iyo saanad milatari.

Saraakiisha ammaanku waxay sheegeen in howlgalkaasi uu qayb ka yahay dadaallada socda ee lagu bartilmaameedsanayo xubnaha Daacish ee ku dhuumaaleysan togga Baallade, kuwaas oo isku dayaya in halkaas ay ka sameystaan saldhigyo iyo marinno ay ku abaabulaan weerarro ka dhan ah ciidamada Puntland.

Maalin ka hor, ciidamada Puntland waxay la wareegeen Ceelka Idakacab oo waqooyi ka xiga deegaanka Yucrin ee Togga Baallade. Ceelkan ayaa ka mid ahaa meelaha kooban ee ay firxadkaasi ku dhuumanayeen.

Muddo laba toddobaad ah waxaa ka socday togga Baallade ee Calmiskaad hawlgallo dhul iyo cir ah oo ay iska kaashanayeen ciidamada Puntland iyo ciidanka Dowladda  Mareykanka ee AFRICOM.

si kastaba ha ahaatee, Todobaadkan dagaalada ka dhacay Calmiskaad, waxaa Puntland kasoo gaaray khasaare xooggan iyadoo ku weyday in ka badan 20 askari iyo dhaawaca ku dhawaad 50 kale.