Xubnaha Guddiga qaban qaabada Shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega deegaannada Galmudug ayaa waxaa ay shalay gelinkii dambe gaareen deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud, iyaga oo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyay.
Guddiga ayaa uga mahad celiyey soo dhaweynta diiran, ugana warbixiyey heerka uu marayo qaban-qaabada shirwaynaha Dib-u heshiisiinta Galmudug, iyaga oo u soo bandhigay qorshaha shirka, una gudbiyey Casuumaada shirweynaha ka furmi doona Caasimadda Galmudug ee Dhusamareeb 5ta bisha soo socota ee Agoosto ee sanadkaan 2019.
Kulan saacado badan qaatay ayaa xalay waxaa uu dhexmaray Odayaasha & Waxgaradka deegaanka Xeraale & Xubnaha ka socday Guddiga qaban qaabada Shirka dib u heshiisiinta Galmudug, kaas oo looga hadlayay sidii Waxgaradka Xeraale uga qeyb geli lahaayeen Shirka dib u heshiisiinta Galmudug.
Maxamed Nuur Gacal oo ka mid ah Xubnaha Guddiga ayaa sheegay in Odayaasha & Waxgaradka Cadaado ay ka qeyb galka shirkaas shuruud uga dhigeen in Caasimadu ay noqoto dhex-dhexaad iyo ammaan, gacantana ay ku hayso Dawladda Federaalka si ay u helaan kalsooni iyo xorriyad ay ku xallinsan karaan dhibaatadii dhexmartay dadka reer Galmudug.
Odayaasha & Waxgaradka deegaanka Xeraale ayaa horay diidmo ka muujiyay markii la Magacaabay Guddiga qaban qaabada Shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega deegaannada Galmudug, iyaga oo sheegay in Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu uga baxay balan uu la galay.
Guddiga qaban qaabada Shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega deegaannada Galmudug ayaa waxaa weli horyaalla culeysyo siyaasadeed, iyaga oo horay u tegay degmooyinka Cabudwaaq iyo Balan-balle,waxaana sidoo kale la filayaa inay tagaan deegaano kale si ay uga dhaadhiciyaan dadka ku nool ka qeyb galka Shirka Dib u heshiisiinta ee lagu wado in uu ka furmo Magalada Dhuusamareeb.