Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa xalay shir aan caadi aheyn ku yeeshay odayaasha dhaqanka gobalka Banaadir.
Shirkaan ayaa waxaa looga hadlay waxa hor taagan shirkii looga hadli lahaa Maqaamka gobolka Banaadir, iyo warqad shalay kasoo baxday Madaxtooyadda Soomaliya.
Shirkaan ayaa laga soo saaray bayaan madaxda sare looggu sheegaayo iney waajib tahay inuu qabsoomo shirka looga tashanaayo aayaha gobalka Banaadir.
Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa mar kale ku celiyay in la qaban doono 28-ka bishaan shirweyne looga arinsanaayo matalaadda caasimadda iyo nabad galyadda, kaasoo Villa Somaliya ay ka hor timid.













