Odayaasha Caddaado oo ka horyimid Dib Heshiisiinta uu Raiisal wasaare Kheyre uga dhawaaqay Dhuusamareeb.

Odayaasha Dhaqanka Magaalada Caddaado ayaa qaadacay Shirka dib u-heshiisiinta Galmudug ee Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya uu xalay shaaciyeyy in lagu qaban doono magaalada Dhuusamareeb.

Shir ay maanta ku yeesheen magaalada Caddaado ayaya odayaasha-dhaqanka waxay si cad u sheegeen inay ka horjeedaan warkii kasoo yeeray Ra’iisul wasaare Kheyre ee saabsanaa in shirka dib u-heshiisiinta iyo doorashada Galmudug ay ka dhici doonaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, iyadoo ku eedeeyay inuu uga baxay ballan ay lahaayeen.

Odoyaasha waxay ku doodeen inuu Ra’iisal wasaare ku ballan-furay markii uu iskiis u go’aansadau inuu dhammaan awoodihii maamulka Galmudug u rarro magaalada Dhuusamareeb, taasina ay meesha ka saareyso dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Arrintan ayaa imaaneysa saacado kadib markii uu Ra’iisal wasaare Kheyre shaaciyey in magaalada Dhuusamareeb ay taallo gogosha dibu heshiisiinta Galmudug iyo Doorashada, kadib markii maamulka Ahluy suna ogolaaday inay magaalada ka howlgalaan ciidamada dowladda Somalia.

Khilaafka awood qeybsi iyo dhaqaale ee maamulka Galmudug ayaa muddo dheer soo taxnaa, iyadoo loolan u dhaxeeyo magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb.