Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ee ka howlgala deegaannada Koonfur Galbeed ayaa magaalada Xudur kusoo bandhigay afar dhalinyaro ah oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaas oo isku soo dhiibay dowladda.
Dhammaan isisoo dhiibayaashaan waxay sheegeen inay u dulqaadan waayeen oo ay ku adkaatay nolosha adag ee cadowga Khawaarijta duurka ku heysata iyo weerarrada ay kala kulmayaan Ciidamada Qaranka, isla markaana ay go’aansadeen in bulshadooda ay dib ugu soo laabtaan.
Ciidamada Qaranka ee ka howlgala gobolka Bakool ayaa maalmihii lasoo dhaafay dardargeliyey howlgalka dalka oo dhan laga iclaamiyey ee ‘Duufaanta Aamusan’ waxayna ku guuleysteen inay dilaan dhowr horjooge iyo maleeshiyaad badan oo ka tirsanaa Khawaarijta.