NISA oo faahfaahisay howlgal lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab

Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Hayádda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa lagu shaaciyay magacyada horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan. 

NISA ayaa sheegay in howlgalkan uu ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyay oo ay iska kaashadeen ciidanka Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA oo kaashanaayay saaxiibada Caalamka.

“Horjoogeyaasha lagu dilay howlgalka ayaa kala ahaa Cabdullaahi Xasan Cumar, oo Khawaarijta ugu magacownaa waxa ay ugu yeeraan Amniyaadka Hirshabeelle; Horjooge lagu soo koobay magaciisa Cusaam, oo ka tirsanaa qaybta Maaliyadda; iyo labo horjooge ah kuwaasi oo kala ahaa Horjooge Qudaame Dheere iyo Cabdul Ladhiif” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay NISA.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay qoraalka kasoo baxay NISA in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, islamarkaana horjoogeyaashan lala dilay ku dhawaad 10 kale oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al-shabaab. 

Deegaanka Shaw ee howlgalkan laga fuliyay ayaa ka mid ah deegaanada ay mudada dheer maamulaan kooxda oo ay si weyn ugu xoogan yihiin maleeshiyada 
Al-shabaab.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka NISA kasoo baxay oo dhameystiran:-