Hay’addaha Ammaanka maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in ciidamada Ammaanka ay gacanta ku dhigeen nin xirnaa Indho-Shareer iyo dharka Dumarka.
Ninkaan ayaa lagu qabtay Kontoroolka laga galo Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.
Ciidamada Booliska Garowe ayaa sheegay in ninkaan ay ku tuhmaayaan in uu doonaayay in uu geysto falal lidi ku ah Ammaanka,islamarkaana ay baaritaano ku waddaan.
Sarkaal ka tirsan Booliska Puntland ayaa dhacdadaan xaqiijiyay ,kaasoo ku sugan Magaalada Garowe.
Ammaanka Magaalada Garowe ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana maanta halkaasi ku wajahan Ra’iisul Wasaare Kheyre.