Nin qirtay inuu ka tirsanaa Ururka Daacish oo Xabsi daa’in lagu xukumay

Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ayaa Jaamac Xuseen Xasan oo lagu eedeeyay in uu ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish waxa ay ku xukuntay xabsi daain.

Jaamac ayaa qirtay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab,islamarkaana uu ka qeyb galay dagaallo badan oo ka dhacay Soomaaliya muddo dheerna uu ka tirsanaa Al-Shabaab iyo Daacish.

Maalmihii lasoo dhaafay ayay Magaalada Muqdisho ka socotay Dacwadda ka dhanka ah Ninkaan oo ay Ciidamada Ammaanka kasoo qabteen degmada Afgooye.

 Ninkaan ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu Kooxda Daacish u qaabilsanaa duubista Qaraxyo.

Maxkamada darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa u caddaatay in eedeysane Jaamac Xuseen Xasan Nuuni uu yahay dambiile galay dambiyada lagu soo oogay,waxayna Maxkamadu ku xukuntay Xabsi Daa’in,waxayna Maxkamaddu intaasi raacisay in cidii ku qanacsaneyn Xukunka Maxkamadda u furan tahay racfaan.