Nin maleegayay Dil iyo Qaraxyo qorsheysan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa xalay howlgal ka dhacay degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku soo qabtay nin la sheegay inuu ku howlanaa dil qorsheysan iyo maleegid qarax.

 Sida lagu qoray barta Twitter-ka ee Nabadsugida ayaa lagu sheegay in howl galkan aanay shacab waxba ku noqon, si nabadgelyana u dhacay.

Howlgalkan ayaa la sheegay inay ka qeyb qaateen ciidamo si gaar ah u tababaran, lama sheegin magaca ninka la qabtay.

Ciidamada Nabadsugida ayaa sheegay in howl galkaas uu qeyb ka yahay sugidda amniga iyo badbaadinta shacabka.

Howlgalada gaarka ee ay fuliyaan Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa ah kuwo lagu bartilmaameedsado shaqsiyaadka ka tirsan Al-Shabaab ee la helo xogahooda iyo goobaha ay ku sugan yihiin.