Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Ammaanka ay gacanta ku dhigeen Shaqsi lagu eedeynayo dilka Suleeqo Yuusuf Axmed oo dhowr cisho ka hor meydkeeda laga helay Hotel Caamir oo ku yaalla agagaarka Isgoyska Baar Ubax ee Magalada Muqdisho.
Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in Ciidamada Hay’adda dambi-baarista ee CID-da ay kiiskaas u hayaan Shaqsi lagu Magacaabo Bishaar Cabdirisaaq Maxamed,kaas oo baaritaano ay ku socdaan.
“Ciidanka Boliiska gaar ahaan Hoggaanka Demibaarista CID ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan edeeysane Bishar Abdirisaq Maxamed kaasoo ku eedeeysan dilka marxuumada Suleeqo Yusuf Axmed (hoos ku masuwaran) falkaas oo dhowr cisho ka hor ka dhacay Hotel Camir oo ku yaal degmada Howlwadaag.
Inta badan Magalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka ayaa waxaa ka dhaca dilal kala duwan,kuwaas oo qaarkood dad loo xiro qaarna weli aan cidna loo heyn,waxaana kiiskii ugu weeynaa ee sanadkaan dhacay uu ahaa kufsi iyo dil Magalada Gaalkacyo loogu geystay Gabar 12 jir aheyd oo lagu Magacaabi jiray Caaisho Ilyaas Aadan.