Wararkii ugu danbeeyay ee ku aadan halka lala aaday Haweeney u dhalatay dalka Jarmalka oo ciidamo ilaala u ahaa ay ka afduubteen xarun Hay’adda ay ku laheyd gudaha gobalka Banaadir.
Wasaarada amniga soomaaliya ayaa warar kala duwan kasoo saartay sida wax u dhaceen iyo halka lala aaday haweeneyda oo wali la garan la yahay, balse warar kala duwan uu kasoo baxayo cida ka danbeysay afduubka haweeneyda u dhalatay dalka jarmalka ee la shaqeyneysay Hay’adda ICRC.
Afhayeenka wasaarada Amniga Soomaaliya Cabdicasiis Cali Ibraahim ‘ Cabdicasiis Xildhibaan oo la hadlay warbaahinta emagaalada muqdisho ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay ninkii hogaaminayay maleeshiyaadkii xalay Muqdisho ka afduubtay Haweeney u dhalatay dalka Jarmalka .
Cabdicasiis Xildhibaan Afhayeenka wasaarada Amniga oo sii hadlayay ayaa sheegay in sido kale gacanta lagu soo dhigay gaari kamid ahaa gadiidka lagu afduubtay haweeneyda, maleeshiyaadka oo ku tala galay iney mara habaabiyaan laamaha amniga si aysan wax uga ogaan halka lala aaday Haweeneyda, kuwaa oo ahaa ujeedkooda in gadiidka la garan waayo midka uu yahay midka lagu afduubtay haweeneydaasi.