Wararka Ka imaanaayo Deegaanka Ceel dheere ee Gobalka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in Deegaankaasi Meel 3KM u jirto uu isku Dal Dalay Qof Rag ah isla markaana dhalinyaro ah.
Godoomiyaha Deegaanka Ceel dheere ee Gobalka Galgaduud C/laahi C/rixmaan Raage xaduur ayaa warbaahinta u sheegey in dhacdaasi ay jirto oo dadka deegaanku ay ku soo war galiyaan in Ruux Dhalinyaro ah uu isku Daldalay banaanka magaalada Ceel dheere.
Gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegey in Qofkasi aan la garanayn Haybtiisa isla markaasna ay wadaan baaritaano kala Duwan oo ay ku raadinaayaan Wax Garto asagoona Faahfaahiyay Calaamadaha Lugu Garan karo ruuxaasi is dilay.
Ruuxa is deldelay ayaa waxa uu la sheekeystay Qof kamid ah dadka reer ceel dheere kuwaas oo ay is weydaarsadeen hadalo kooban sida in ay is nabdeysteen una sheegay inuu kayimid meel miyi ah oo lagu magacaabo Oodaale intaas kadibna ay kala tageen waa sida uu sheegay Gudoomiye Xaduur oo soo xiganaya dadka Degaanka.
Qofkan is dilay ayaa laga waayay wax calaamado ah oo muujinaya in la dilay waxaana muuqatay in uu isagu Isku deldelay Macwuustiisa oo Geed suratay ugu dambeyna sidaas isku dilay Waxaana laga soo qaaday Meydkiisa ayadoona loo soo gudbiyay magaalada Dhuusamareeb.
Ruuxan ayaa la sheegay in Miyir ahaan u ekaa qof Caafimaad qaba balse loo malaynayo arrimo la xariira daruufaha Nolosha inuu isku dilay sida la ogyahay Degaanada Miyiga Gobolka Galgaduud waxaa ka taagan abaaro kulul oo dad iyo duunyaba saameyn wayn ku yeeshay.