Fahad Yaasiin Iyo C/Raxmaan Dheere Oo Safar Deg Deg Ah Uga Baxay Dalka

Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin iyo saaxibkiisa gaarka ah C/raxmaan Dheere ayaa maanta ka ambabaxay Muqdisho, maalin ka hor inta uusan Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud la wareegin Xafiiska.

Wararka ayaa sheegaya in Fahad iyo saaxibkiis ku sii jeedaan dalka Turkiga, iyagoo saaka garoonka Muqdisho ka raacay diyaaradda Turkish Airlines oo duulimaad toos ah ku tageysay Muqdisho-Istanbul.

Lama oga in Fahad uu si toos ah uga guuray Muqdisho oo uu dibad joog noqonayo wixii hadda ka dambeeya, maadaama dowladdii uu saameynta badan ku lahaa shantii sano ee la soo dhaafay talada lagala wareegay, hase ahaatee Fahad Yaasiin ayaa saaxibo uu la hadlay waxaa uu u sheegay inuu safar gaaban u baxayo, dibna u soo laaban doono.

Labadan Nin ayaa kamid ah raga loo heysto eedo la xiriira gabood faladii dhacay shantii sano ee la soo dhaafay oo ay kamid tahay dilka Ikraan Tahliil, weerarkii lagu qaaday siyaasiyiinta Muqdisho iyo qarixii lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi ee ka dhacay magaalada Beledweyn.