waxaa xabsiga laga sii daayay 11 dhalinyaro soomaaliyeed ahaa kuwaas oo ku xirnaa xabsi ku yaala caasimada Jubba ee dalka Koofurta suudaan dadkan oo ku eedeysanaa inay si sharci daro ku galeen dalka Koofurta Suudaan waxayna ku sii jeedeen dalka Liibiya.
Sii deynta muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa waxaa noo xaqiijiyay safaarada Soomaliya ay ku lleedahay koofurta suudaan isla markaana gacan ka geysatay inay dadkaas dib u helaan xoriyadooda.
Dhalinyaradaan ayaa laga soo qabtay magaalada Faluj oo ku taal xadka koofurta Suudaan la wadaagto Jamhuuriyadda Suudan, warka ayaa intaa raacinaya in galabnimadii shalay dhalinyaradaasi ka duuleen magaalada jubba iyagoo sii maraya dalka Kenya si ay dib ugu noqdaan dalkooda hooyo ee Soomaaliya
Xoghayaha 2aad ee safaaradda Soomaaliya ee koofurta Suudaan mudane Mohamed Ali Mohamed ayaa ugu digay waalidiinta Soomaaliyeed in ay caruurtooda ku gacan siiyaan tahriibka wuxuuna sheegay in laga kulmo qataro aad u farabadan inta ay ku jiraan socdaalladaasi biimada ah.