Muwaadin Soomaali oo ay Xuutiyiinta siiyeen dhalashadda Yemen oo lagu dilay dagaal.

Sarkaal ka tirsan Dowladda Yemen ayaa sheegay inay Maleeshiyadda Xuutiyiinta siinayaan Muhaajiriinta Soomaalida dhalashadda Yemen, si ay uga barbar dagaalamaan.

Shabakadda Wararka ee bawabatii.com ee dalka Yemen waxay maanta oo Sabti ah qortay inay Ilo ka tirsan Dowladda dalkaasi xaqiijiyeen inay Maleeshiyadda Hubeysan ee Xuutiyiinta siinayaan Muhaajiriinta Soomaalida dhalashadda Yemen, si ay uga barbar dagaalamaan Maleeshiyadooda.

Wakiilka Koowaad ee Gobalka Al-Xudeydah, Waliid Al-qadiimi ayaa sheegay inay Xuutiyiinta siiyeen Dhalashooyin Muhaajiriinta Soomaalida ee Tahriibka Badda lagu soo geliyey, si ay uga mid noqdaan, ugana barbar dagaalamaan Maleeshiyadda Xuutiyiinta, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wakiilka, Waliid Al-qadiimi waxa uu bartiisa Twitterka ku soo bandhigay Sawirka mid ka mid ah Muhaajiriinta Soomaalida oo ku biiray Kooxdaasi, kaasi la dilay isagoo ka barbar dagaalamayo Maleeshiyadda Xuutiyiinta.

Halkan ka akhriso qoraalka Wakiilka Koowaad ee Gobalka Al-Xudeydah

l-qadiimi waxa kale oo uu bartiisa Twitterka ku qoray in maleeshiyadda Xuutiyiinta qori caaradisia ku dagaal geliyaan, isagoo sheegay in Ninka uu sawirkiisa soo bandhigay lagu dilay meel ku dhow xuduudka Yemen la wadaagto Sacuudiga.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijin kara inay Muhaajiriinta Soomaalida ee Qaxootinimadda ugu nool gudaha dalka Yemen ku biiraan Maleeshiyadda Xuutiyiinta, si loo siiyo Dhaslashadda ama Muwaadinnimadda dalkaasi, maadaama aysan Koox Hubeysan oo aan Dowlad ahayn bixin Karin Dhalashadda rasmiga ee dalkaasi.

© Xigasho: Radio Dalsan