Sida uu qorshaha yahay waxaa maanta oo Isniin ah bilaabaneysa is diiwaangelinta Musharaxiinta u tartameysa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka.
Guddiga qaban qaabada Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo shalay kulankoodii labaad yeeshay ayaa soo saaray Jadwalka iyo qaabka ay u dhaceyso Doorashada Guddoomiyaha Golaha.
Is diiwaangelinta Musharaxiinta ayaa waxa ay soconeysaa 23-ka April oo maanta ku beegan ilaa 24-ka April oo berri ah, waxaana watiga shaqada uu yahay 10:00-AM ilaa 05:00-PM, sida ku xusan warqada, ay soo saareen Guddiga.
Guddiga qaban qaabada Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo fadhigooda uu yahay xarunta Villa Hargeysa ayaa shaaciyay in Doorashada Guddoomiyaha Golaha ay dhaceyso 30-ka bishan April oo ku beegan Isniinta soo socota.