Muqtaar Roobow oo safar aan lasii shaacin ku tagay magaalada Xudur

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa sheegaya in uu goordhow gaaray Sheekh Muqtaar rooboow Cali abuu Mansuur oo horay uga tirsanaa Al-Shabaab balse sheegay in uu ka baxay.

Muqtaar Rooboow ayaa waayadan ku sugnaa Muqdisho,waxaana Safarkiisa ku wehliya Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed.

Wafdiga ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay degmada Xudur ee Xarunta gobolka Bakool,waxaana weli la ogeyn Safarkaan uu muqtaar rooboow uu halkaasi u tegay oo aan horay loo sii shaacin.

Wixii ku soo kordha kala soco Goobsan.com