Wararka ka imaanaya deegaanka Abal ee Gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay gaareen Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka amniga Maamulka koonfur Galbeed Xasan Xusen Maxamed Eelay,iyo taliyaha Ciidamada Nabad-Sugida koonfur Galbeed iyo Masuuliyiin kale.
Ujeedka ay halkaasi u tageen Msuuliyiintaan ayaa waxaa lagu sheegay sidii ay ula kulmi lahaayeen Sheekh Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo wax ka ka yar 1KM, u jira deegaanka Abal.
Waxaana haatan deegaanka Abal laga dareemayaa inuu ka socdo diyaar garowga ku aadan sidii ay u wada kulmi lahaayeen Muqtaar roobow iyo masuuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Waxii kasoo baxa kulankaas kala soco Goobsan.com