Waxaa goor dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dejiyay saddex nin Magafe Soomaali ah oo dadka ka tahriibin jiray dalka Koofurta Sudan, kuwaasoo dhowaan gacanta lagu soo dhigay.

Saddexdan Magafe todobaadyo ka hor laga soo qabtay magaalada Jubba ee Caasimadda Koofurta Sudan, iyagoo ku howlanaa falal Tahriibin ah.

Warar ay heshay Goobsan.com ayaa sheegaya in saddexda nin oo lagu kala magacaabo Caydaruus C/llaahi Naxar, C.raxmaan Maxamuud Socdaal iyo Liibaan Cabdullaahi Xuseen ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada Booliska Koofurta Sudan iyo Booliska Adduunka

Saddexdan nin ayaa ka mid ahaa shabakad isku xiran oo dadka u tahriibiya dalka Liibiya, waxaana baadigoob ku hayay Booliska Adduunka ee Interpol.

Raggan ayaa markii laga soo dejinayay garoonka diyaaradaha Muqdisho la sheegay inay gacmaha ka katiinadeysnaayeen, waxaana la socday askar ka tirsan Interpol oo ku wehlinayay diyaarad qaas ah oo saaka ka soo qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Jubba.

Wararka ayaa sheegaya in raggan loo gacan geliyay dowladda Soomaaliya, si Maxkamad lagu soo saaro magaalada Muqdisho.

Todobaad ka hor ayay aheyd markii garoonka diyaaradaha Muqdisho laga soo dejiyay nin magaciisa lagu sheegay C/qaadir Cumar Cabdulle oo isna ka mid ahaa dadka wax tahriibiya, kaasoo laga soo qabtay magaalada Jubba ee dalka Koofurta Sudan.

Boqolaal dhalinyaro Soomaali ah ayaa la sheegay bilihii la soo dhaafay laga tahriibiyay Gobolada dalka Soomaaliya, kuwaasoo tahriibintooda ka qeyb qaadan jireen shabakado dadka tahriibiya oo isku xiran, kuna sugan Soomaaliya, Uganda, Koofurta Sudan, Sudan, Masar, Libiya illaa Talyaaniga.