Muhaajiriintii ugu badnayd oo soo gaaray xeebaha Talyaaniga

Muhaajiriintan  oo tiradooda ahayd  2,074, ayaa waxaa shalay laga soo badbaadiyey Badweynta Mediterranean-ka, kadib markii ciidamada ilaalada xeebaha Italy ay gurmadeen,

Afhayeenka Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay inay qaadeen 19 Hawlgal Gurmad oo lagu so badbaadiyey 2,074 Thriibayaal la socotay 16 doonyah la buufiyo iyo 3 doonyaha Alwaaxda.

Maydka hal qof oo ka mid ah Tahriibayasha ayaa laga dhex helay mid ka mid ah doonyihii loo gurmaday.

Inta badan Muhaajiriinta ka soo talowda biyaha Badweynta Caalamiga ah ee Mediterranean-ka,ayaa ka soo jeeda qaarada Afrika, kuwaaso noloshooda ka doorbida inay halis galiyaan Naftooda si ay u gaaran qaarada Yurub,

Ahmed Yare

©Goobsan Media