Muhaajiriin Ku soo wajahan Denmark

Wasiirada soogalootiga iyo Ajaaniibta ee Denmark Inger Støjberg ayaa sheegtay inay ku soo wajahan yihiin qiyaastii 5,000 oo magangalyo doon ah Sanadkan gudihiisa.

Støjberg ayaa sheegaty  in sanadkii la soo dhaafay ay hoos u dhaceen  qulqulka muhaajiriinta balse 3 bilood ee u danbaysay ay Denmark iska soo dhíibeen  650 muhaajiriin ka soo barakacay dalalkooda,

Bartamihii sanadkii hore ayay ahayd markii ay heshiis  wada gaareen dowladaha Midowga Yurub iyo dalka Turkiga si loo yareeyo qulqul ka muhaajiriinta ka soo talaabaysa xadka Turkigu la wadaago dalka Griiga.Waxaana haatan muuqata in wali muhaajiriintu ay ka soo gudbayaan Xuduudaha Dalalka Yurub si ay  u gaaraan Bartilmaaameedkooda,

Wadamada Yurub ayaa haatan culeys weyn saaraya sidii ay u hor istaagi lahaayeen qaxootiga buux dhaafiyay dalalkooda.

Mohamed Jeo

©Goobsan Media