Mooshinka laga wado Madaxweyne Waare oo sii xoogeystay

Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sii xoogeystay kadib markii madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle wafdi ay kala hoggaaminayaan ay soo gaareen magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle, Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa yimid magaalada Muqdisho kadib markii Madaxtooyada looga yeeray, waxaana maalinta uu yimid magaalada Muqdisho habeenkeedii uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, sida ay inoo xaqiijiyeen xubno ka tirsan Baarlamaanka HirShabeelle.

Wafdiga la socday Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa loo diiday in ay goob joog ka noqdaan Shirka Gudloomiyaha iyo Ra’isalwasaaraha .

Sida la ogsoonyahay Dastuurka Hirshabelle ayaa dhigaya in Mooshin ay ka gudbin karaan 33  xildhibaan Madaxweynaha Talada haya waxa uuna xilka weynayaa markii ay ku aqbalaan 66 Xildhibaan balse wararka qaar ay Goobsan heshay ayaa sheegaya in ilaa iyo hadda ay saxiixeen ku dhawaad 40 xildhibaan walina ay jiraan kuwa kale oo saxiixoodu dhimanyahay.

Lama saadaalin karo isbedelada ku imaan kara Xaalada Siyaasadeed ee cakiran oo uu dhex maquuranayo Maamulka Hirshabeelle oo marti galiyay Siyaasad aan fadhin.