Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa qorsheynaya in guluf dagaal ku qaadaan deegaanada Al-Shabaab kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Hoose.
Deegaanada Aw-dheegle iyo Janaale oo ay maamulaan Al-Shabaab ayaa laga soo sheegayaa inay ka jirto cabsi dadka deegaanka ka qabaan dagaalo ka dhacaan, kaddib markii ay dareemeen dhaq dhaqaaqyo ciidan.
Wariye ku sugan degmada Afgooye ayaa sheegaya in ciidamada milateriga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ay ku doonayaan inay duulaan ku qaadaan deegaanadaas.
Boqolaal ka tirsan ciidamada milateriga ayaa dhowaan loo daabulay Gobolka Shabeellaha Hoose, si ay u qaadaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.
Ibraahim Aadan Cali “ Najax “ oo ah Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay in ay socdaan howlgaladii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab loogu saarayo guud ahaan gobolka Sh/Hoose.
Waxa uu sheegay in hada ay doonayaan in Al-Shabaab ay si gaar ah kaga xoreeyaan inta u dhaxeysa degmooyinka Afgooye iyo Baraawe.
Waxa uu sheegay in hada degmooyinka qaar ay ka socdan howlgalo isla markaana ay rajeynayaan in Al-Shabaab dhawaan laga saaro degmooyinkaasi.
Guddoomiyaha ayaa shacabka Gobolka Sh/Hoose ka dalbaday in ay si dhaw ula shaqeeyaan Ciidamada si Al-Shabaab looga saaro Gobolka oo dhan gaar ahaan meelaha ay ku xoogan yihiin.
Al-Shabaab ayaa ku sugan tuulooyin iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Sh/Hoose, waxaana gobolkaasi ay kula dagaalamaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.
Sidoo kale Al-Shabaab ayaa weeraro toos ah ku soo qaada Xarumaha Ciidamada Dowlada iyo AMISOM ay ku leeyihiin Gobolkaasi.