Midowga Yurub oo Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan 33 Milyan oo Yuuro

Midowga Yurub ayaa magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay mashruuc loogu magacdaray Wadajir oo ay ku baxayso 33 milyan oo Yuuro.
Mashruucan ayaa loogu talagalay in xal waara loogu helo dadka gudaha ku barakacay, iyo qaxootiyada dibada ka soo laabanaya ee deegaanada Soomaalida oo dhan.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Golaha Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in lacagtan ay qeyb ka tahay 140 milyan oo Euro oo loogu talo-galay guud ahaan abaaraha Geeska Afrika.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in dhowr dal oo xubno ka ah ururkaas ay si gooni ah caawimaad uga geysteen gurmadka abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.

Golaha Midowga Yurub ayaa sheegay in 6.2 milyan oo Soomaali ah oo u baahan gargaar cunno, ay 2.9 milyan oo ka mid ah ku sugan yihiin xaalad deg deg ah oo ay u baahan yihiin cunno lala gaaro ka hor bisha June ee sanadkan.

Waxa ay ugu baaqeen hoggaanka dowladda federaalka ee Soomaaliya inay si deg deg ah u wajahaan dhibaatooyinka bani’aadanimmo ee ka dhashay abaaraha Soomaaliya, islamarkaana beesha caalamka ay sare u qaado dadaallada looga jawaabayo baahida jirta.

Golaha ayaa sheegay inay muhiim tahay in lagu dhaqmo casharadii laga bartay macluushii Soomaaliya ka dhacday sanaddii 2011, waxayna ku booriyeen dhammaan deeq bixiyayaasha iyo dadka ka shaqeeya arrimaha bani’aadanimada ay sare u qaadaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Waxa ay sidoo kale adkeeyeen muhiimaada in shaqaalaha gargaarka loo ogolaaado inay si buuxda oo nabdoon ku gaaraan dadka caawimaadda u baahan, si waafaqsan xeerarka gargaarka bani’aadanimo ee caalamiga ah.