Midowga Musharaxiinta oo taageeray go’aankii Raysal Wasaare Rooble uu dalka kaga eryay Wakiilkii Midowga Afrika

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay go’aankii Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu dalka ka eryay Danjirahii Midowga Afrika Francisco Madeira.

War qoraal ah oo kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayay ku sheegeen in go’aanka uu qaatay Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya uu ahaa mid loo baahnaa, islamarkaana si ka fiirsi leh looga baaran dagay, si loo xaqiijiyo madaxbanaanida dalka.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale ku baaqay in la dardar galiyo howlaha doorashooyinka dalka, iyo dhaarinta Xildhibaanadda cusub ee loo balansan yahay 14-ka bishaan, iyagoona dalbaday in doorashada waqtigeeda lagu qabto si nabdoon.