Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa war ka soo saaray weerarkii Al-shabaab ay shalay gelinkii dambe ku qaadeen Hotelka Cascaseey ee Maagalada Kismaayo.
Madaxa Holwgalka AMISOM ahna ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya danjire Madeira ayaa cambaareeyay weerarkaas.
Mr Madeira ayaa sheegay in uu sidoo kale tacsi u dirayo dadka ehelkooda ku dhinteen weerarka shalay ka dhacay magaalada Kismaayo.
Waxaa uu sheegay in Argagixisanimada aysan meelna ku guuleysaneyn islamarkaana looga adkaanayo gudaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarkaas una tacsiyeeyay ehellada dadka weerarkaas khasaaraha uu ka soo gaaray.
Weerarkii Al-shabaab ku qaadeen Hotelka Cascasey waxaa ku dhintay dad ka badan 10 qof, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen.
Maamulka Jubaland ayaa sheegay in ay soo afjareen weerarka saaka aroornimadii islamarkaana qofkii ugu dambeeyay afarta qof ee ku jiray Hotelka saaka la toogtay.