Mid Kamid Ah Wadamada Afrika Oo Ciidamo Usoo Dirtay Soomaaliya

Ciidamo ka tirsan Dowladda Zambia ayaa la xaqiijiay jimcihii  shalay aheyd ay soo  gaareen Somaaliya kuwaas oo ka kooban 20,Askari oo ay ku jiraan 4 Sarkaal oo ka qeyb qaadanaya dhanka tababarka Ciidamada Somaaliya ee Magaalada Muqdisho ku sugan sida uu War-Baahinta u sheegay Sarlkaalkii hoggaaminayay Ciidamadaas.

Sarkaalka oo Saxaafada la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in Ciidamadaan ay siweyn uga qeyb qaadan doonaan sugida dahnka amniga islamarkaana ay Caawin doonaan dowladda Federaalka Somaaliya, Sida uu sheegay tresphord oo ah Sarkaalka hoggaaminaya.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ku sugan Kumanaan ka socda Ciidamada Midowga Afrika kuwaas oo mudo ka badan Sagaal sano jooga dalka balse aan weli buuxin kaalintii looga baahnaa sida ay sheegeen dadka qaarkood.

©Goobsan  Media