Mid ka mida Odayaashii Golaha Sare ee Shuurada Al-shabaab oo dawladda Soomaaliya isku soo dhiibay

Sarkaalkii ugu sareeyay ururka Al-Shabab oo ka tirsan Golaha Sare ee Shuurada Alshabaab ayaa isu dhiibay dawladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo, iyadoo loo duuliyey magaalada Muqdisho. 

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Aadan Cabdi Maxamed (Aadan Coobbe) ayaa wadahadal kula jiray dowladda Soomaaliya, waxaana la sheegay inuu khilaaf kala dhaxeeyay amiirka iyo madaxda sare ee Alshabaab, taasoo keenay inuu shalay iska dhiibo magaalada Baardheere, iyadoo uu la socday askari ilaalo u ahaa.

Aadan Coobe ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay ururka Al-Shabab, waxaana jagooyinkaas ka mid ahaa inuu xubin ka ahaa Golaha Shuurada, waana mas’uulkii ugu heer sareeyay ee muddooyinkan ka goosta Alshabaab.

Waxaa magaalada Muqdisho keentay diyaarad kasoo qaaday magaalada Baardheere, iyadoo ay la wareegtay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA.