Mid ka mid ah Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo is Casishay

Wasiirka Wasaaradda gargaarka Xukuumadda Soomaaliya Maryan Qaasim ayaa goor dhow ku dhawaaqday in ay isaga tagtay xilkii Wasiirnimo ee xukuumadda Soomaaliya.

Maryan Qaasim ayaa ka mid aheyd Wasiiradda uu soo Magaacay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre markii xukuumadda lasoo dhisay.

Wasiiradda ayaa Twitterkeeda ku sheegtay in ay xilka iska casishay mana bixin Faahfaahin badan balse waxa ay ku sheegtay Duruufo ayada Qaas u ah.

Horay ayaa waxaa isku Casilay Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha ciidamada xoogga.

Wixii kusoo kordha kala soco Goobsan.com