Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay Arrimaha Soomaaliya Mickeal Keating ayaa ka hadlay arrimaha ammaanka ee dalka iyo xaaladaha adag ee xilligan ka jira Soomaaliya.
Keating ayaa sheegay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay hortaallo amni xumo, loona baahan yahay si xaaladaasi ay uga baxaan garab istaag iyo hiilo, iyo in la kordhiyo dagaalka ay ku jiraan Ciidamada Dowladda.
Wuxuu kaloo sheegay Mickeal Keating in laba qof oo ka mid ah Saddexdii qof ee Soomaali ah in aysan heysan wax ay cunaan, maadaama dalka uu qaabilay Abaaro aad u xanuun badan oo weli ay muuqato saameyntooda.
Mr. Keating ayaa yiri “Laakiin arrinta xauunka badan ee dhabta ah ee na hortaalla ayaa waxa ay tahay in laba qof oo ka mid ah Saddexdii qof ee Soomaaliyeedba aysan maanta heysan wax ay cunaan, dhammaan shacabka Soomaaliyeed waxaa hortaalla amni xumo.
“Beesha Caalamka waxay dooneynaa in ay garab istaago Soomaaliya, in ay maalgelin ku sameyso hormarinta Nabadgelyada, kaabayaasha dhaqaalaha, shaqa abuurka, horusocodka nidaamka Dowladda, Ayuu sidoo kale yiri Keating.
Hadalkan ayuu ka sheegay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Mdoobay Arrimaha Soomaaliya Mickeal Keating xilli uu shalay ka qeyb galayay Munaasabadda Caleema Saarka Madaxweynaha Hirshabeelle, taasi oo ka dhacday Jowhar.