Michael Keating oo Booqasho ku Tagey Hargeysa (SAWIRO)

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa socdaal ku tegay magaalada Hargeysa,
Micheal Keating xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa Magaalada Hargaisa kula kulmay madaxda ugug saraysa Maamulka Somaliland iyo qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka.
Mr Keating oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeeddada socdaalkoodu yahay sidii loo ballaadhin lahaa kaalinta ay Qaramada Midoobay ku leedahay taakulada dadka abaartu waxyeellaysay ee Somaliland.
Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo isna La hadlay Saxaafada ayaa sheegay in Keating iyo madaxweyne Siilaanyo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo wadashaqeynta Somaliland iyo QM.