Meydad laga soo saaray Maqaayada Pizza House (Sawiro)

Saraakiil ka tirsan Hay’addaha ammaanka ayaa sheegay in la soo afjaray hawlgalkii saacadaha badan qaatay ee lagula dagaalamaayay xubno ka tirsanaa Shabaab, kuwaasi oo weerar abaabulan ku qaaday Maqaaxida Pizza House ee Degmada Hodan.

Xaaladda hadda waa ay dagan tahay mana la maqlaayo rasaas iyo dhawaqa qoryaha waaweyn oo tan iyo xalay ciidamada ammaanka ay ridayeen, waxaana goobta buux dhaafiyay ciidamada kala duwan ee Dowladda Federaalka.

Dhismaha Maqaaxida Pizza House ayaa laga soo saarayaa hadda meydad badan oo dad ah, kuwaasi oo intii dagaalka uu socday meydkooda meesha uu yaalay, maadaama raggii Shabaabka ahaa ay toogteen dadkaasi.

Meydad hor leh ayaa saaka laga soo saaray Maqaayadda Pizza House oo xalay ay weerareen dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo howl gal qaatay 11 saacadood kaddib ay ciidamada ammaanka ku guuleysteen in goor dhow oo saaka ah ay soo afjaraan.

Meydadka illaa lix gabdhood ah oo afar ka mid ah ay wada dhasheen la sheegay in saddex ka mid ah ay dhinteen, halka mid kale oo dhaawac ah laga soo saaray qol ay ku jireen oo dableyda hubeysan ay bam ku tuureen xilli ay ku dhuumaaleysanayeen.

Sidoo kale meydka nin Suuriyaan ah oo ka shaqeynayay maqaayadda ayaa isna lagu arkay qeybta Kushiinka ee maqaayadda.

Waxaa kaloo ku dhintay saddex ka mid ah ciidamada ammaanka ee ka qeyb qaadanayay howl galka ka socday maqaayada.

Tirada dadka dhintay maqaayada ayaa gaareysa illaa 25 ruux oo ay ku jiraan dableydii weerartay, sida uu xaqiijiyay wariye ka tirsan Idaacadaha Muqdisho.

Ilo dhinaca ammaanka ayaa xaqiijinaya in dableydii weerartay ay qaldeen bartilmaameedka weerarkooda oo markii hore ahaa Maqaayadda Posh Treats oo ah maqaayad lagu caweeyo, hase ahaatee markii uu qaraxa dhacay ayaa waxay gudaha u galeen maqaayad ka soo horjeeday oo lagu magacaabo Pizza House oo ah meel ay dhalinyarada u dalxiis tagaan, isla markaana la isku sawiro goobo aad u qurux badan oo ay leedahay maqaayadda.

Qaraxa is miidaaminta ee lala beegsaday labada maqaayadood ee iska soo horjeeday ayaa isku mid waxaa uu u soo gaaray khasaare aad u xooggan, waxaana dhismayaasha labada maqaayadood ka muuqday bur bur aad u xooggan.

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku haya xaalada labada maqaayadood, waxaana ka socda uruurinta meydadka qaar oo lagu dilal qolalka maqaayada.