Meydad Hor leh ayaa saakay laga helay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho halkaasoo shalay galinkii dambe uu ka dhacay Qarax Xooggan.
Kudhawaad Afar qof ayaa saakay laga soo bixiyay dhismeyaal Burburay iyo Gawaarida.
Gaadiidka Gurmadka deg dega ah ayaa wali shaqeynaya, waxaana socda howlaha samatabixinta.
Waxa ay wararku sheegayaan in ay suurtagal tahay in wali ay jiraan dad ku hoos jira dhismayeyaashii Burburay.
Qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho ayaa saameyn weyn ku yeeshay Isgoyska Soobe dadkii ku sugnaa iyo sido kale goobihii ganacsiga ee halkaasi ku yaallay.