Maxkamadda Sweden oo ka laabtay masaafurinta Nin Soomaali ah.

Maxkamadda ugu sarreysa ee dalkaasi ayaa laashay Go’aan lagu soo masaafurin lahaa Nin Soomaali oo  lagu helay fal Kufsi ah, laguna xukumay Xabsi Hal sanno iyo 10-bilood.

Hadal ka soo baxay Maxkamadda Sare ee dalkaasi ayaa lagu sheegay inaysan jirin sababo aan caadi ah oo khasbaysa in Ninkaasi la masaafuriyo marka uu dhamaysto Xukunkiisa.

Taasi bedelkeeda, waxay Maxkamadda Sare u kordhisay Eedeysanaha Soomaaliga xukunkii horey loogu xukumay oo ahaa hal sanno iyo  710 bilood, waxaana Xukunkiisa la gaarsiiyey  xabsi dhan  2 sanno iyo 2 bilood.

Maxkamaddu waxay kaloo Eedeysanaha ku xukuntay inuu bixiyo kharaj lagu sheegay khasaaraha soo gaaray haweeneyda Dhibanaha oo lagu qiimeeyey 115,000 oo Lacagta Kroner-ka ee dalka Sweden, oo u dhiganta Dollar ahaan 12-kun iyo 70 Cent.

Balse, Haweeneyda dhibanaha ayaa waxay ka hor-timid xukunka Maxkamadda Sare ee dalkaasi, waxayna ku tilmaamtay  Go’aan guud ahaan  waali ah.

Mar sii horreysay, Labo Maxkamado Heer Hoose ayaa waxay horey ugu xukumeen Eedeysanaha oo oo 33-jir  inay waajib tahay in la masaafuriyo marka uu dhamaysto Xabsiga uu ku muteystay Falka Kufsiga

Wargeyska The Local ee ka soo baxa dalka Sweden ayaa qoray in Ninka Soomaaliga markii ugu horreysay ay Maxkamadda Degmadda ee magaalladda Linköping xukun ku riday , kadib, markii lagu soo eedeeyey inuu Kufsaday Haweeney uusan aqoonin.

Eedeysanaha waxa uu qirtay Kiiska lagu soo oogay, iyadoo Haweeneyda Dhibanaha ahayd iyo Milkiilaha Dhismaha ku caddeeyeen inuu kufsaday Haweeneydaasi, waxaana Xeer-beegtida Maxkamadda loo soo bandhigay Caddaymo ku aadan  Hiddo-sidaha Eedeysanaha ee  (DNA)-da oo laga helay Haweeneyda uu kufsaday.

Sharciga dalka Sweden ayaa waxa uu dhigayaa in Dembiilayaasha lagu helo Dembiyadda Khatarta ah laga masaafurin doono Sweden, oo qeyb ka ah Ciqaabtodoa, haddii uusan Eedeysanuhu haysanin Muwaadinimadda Swedish-ka.

Sidoo kale, Sharciga Sweden waxa uu dhigayaa inay Maxkamaduhu helaan haddii ay jiraan sababo aan caadi ahayn ee lagu amrayo Masaafurinta.

© Xigahsho: iwf.org/ Radio Dalsan