Maxkamadda Sare ee dalka oo qaadeysa dacwad ka dhan ah Madaxweynaha…..

Maxkamada Sare ee dalka ayaa lagu wadaa in ay maalinta Isniinta bilowdo dacwad ka dhan ah Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare taasoo ah dacwad la xiriirta xuquuq ka maqan qaar ka mid ah Golihii wasiirada ee dhowaan xilalka laga qaaday.

Guud ahaan lacagta ay sheeganayaan wasiiradan ayaa gaareysa $330,000 sida uu sheegay mid ka mid ah wasiirada dacweynaya madaxda Hirshabelle.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Hirshabeelle Dr Xuseen Cismaan Cilmi oo ka mid ah Xubnaha dacwada gudbiyey ayaa sheegay in dacwadaas ay soo martay heerar kala duwan,isla markaana shalay ay gaartay Maxkamada Sare ee dalka,sidoo kalena Maalinta Isniinta ah dacwada la guda geli doono.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Hirshabelle oo la xiriira dacwadan loo haysto.