Maxkamadda Gobolka Banaadir oo muddo 24-Saac gudaheed u qabatay in cadeymo loo keeno eedeymaha C/raxmaan C/shakur

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo gaba gabeysay dhageysiga dacwad ay Xeer Ilaalinta Qaranka ku soo oogtay C/raxmaan C/shakuur Warsame, kaasoo habeen hore Ciidamada ammaanka ay ka soo xireen gurigiisa.

Xeer Ilaalinta ayaa ku soo eedeysay C/raxmaan dambiyo ay ka mid yihiin qiyaano qaran, inqilaab iyo kuwa kale, hase ahaatee Maxkamadda ayaa dalbatay in caddeeymo loo keeno eedeymahaas.

Sidoo kale Xeer Ilaalinta ayaa la sheegay inay dalbatay in muddo 5 maalmood loo siiyo inay ku keento caddeymo.

Hase ahaatee Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa ka diiday dalabka Xeer ilaalinta, waxaana uu u qabtay in muddo 24 saac lagu keeno caddeymo.

C/raxmaan C/shakuur ayaa waxaa u doodayay qarreeno, kuwaasoo Maxkamadda ka sheegay in qaabkii loo maray xarigiisa ay aheyd mid sharci darro ah.

Maalinta berri ayaa lagu wadaa in Maxkamadda la isku soo noqdo, iyadoo laga sugayo Xeer Ilaalinta inay caddeymo u keento eedeymaha ay ku soo oogtay C/raxmaan C/shakuur.