Maxkamadda CQS oo soo xirtay dhageysiga dacwada eedeysan G/sare C/Naasir Xoosh (Sawirro)

Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa goordhow ku dhawaaqay in ay soo gabagabeeyeen dacwad loo heystay Col, Cabdi Naasir Xoosh Maxmmed oo ahaa Taliyaha  raxanta Doomaha Ciidamada Badda Soomaaliyeed, waxaana eedda loo jeediyay ku xusnaa in uu dil bareer ah u geystay AUN S/guuto Saciid Aadan Yuusuf (Mariino) oo ahaa EX Taliye ku-xigeenkii Ciidamada Badda Soomaaliyeed.

G/sare  Cabdi Naasir Xoosh Maxamed oo ka jawaabayay eedda loo jeediyay ayaa waxa uu sheegay in uusan si ku tala gal ah u dilin Marxuumka  balse ay kaga fakatay sida uu sheegay.

Dhinacyada dacwadda ee kala ah xeer ilaalinta iyo qareenada ayaa kadib dooda guda galay, waxa eyna xafiiska xeer ilaalinta ugu horreynba garsoorka weydiisteen in loo ogolaado in la dhageysto markaatiyeel goob-joog u ahaa wixii dhacay, waxa eyna dhammaan  sheegeen in uu jiray muran ka hor inta uusan falka dilka ah dhicin, sidoo kale waxa ey xafiiska xeer ilaalinta soo bandhigeen sawirro iyo documents muujinayo dhacdadan..

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa iyana sheegay in ey tahay taariikhda markiii ugu horreysay oo dil bareer ah loo geysto Gen, waxa eyna garsoorka ka dalbadeen in dil toogasho ah lagu fuliyo eedeysane Col, Cabdi Naasir Xoosh Maxammed oo ah eedeysanaha loo heysto dilka Gen, Saciid Aadan Yuusuf (Mariino)..

Ugu dambey, dhageysiga kiiskan oo sacaado badan qaatay ayaa waxaa soo xiray Gudoomiyaha Maxkamadda D.1-aad Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, waxa uuna u sheegay dhammaan dhinacyadii ka qeyb-galayay dhageysiga dacwaddan in go’aanka Maxkamadda eey dib ka soo saari doonaan…

18-01-2018, ayaa lagu dilay gudaha Dekadda Muqdisho Gen Saciid Aadan Yuusuf  (Mariino).