Maxkamadda CQS oo dil toogasho ah ku fulisay rag ka tirsanaa Khawaarijta Al-shabaab

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa aroornimadii hore ee sakaay xukun dil toogasho ah ku fulisay laba nin oo ka tirsana maleeshiyaadka Khawaarijta Al-shabaab.

Labadan nin ee dilka toogashada ah saakay lagu fuliyay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Ibraahim Aadan Maadeey iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo kooxda looga dhex garanaayay (Maaxi iyo Yoonis), kuwaas oo ka kala tirsana qeybaha kooxdu ugu yeerto Jabhadaha iyo dilalka gaadmada ah

Ragaan ayaa la sheegay iney horay dilal uga gaysteen gudaha magaalada Muqdisho, waxaana Maxkamada horay u dhageysatay dacwadda ka dhanka ah labadan nin oo ay horay u soo gudbisay Xafiiska Xeer Ilaalinta.

Goobta lagu toogtay ragaan waxa goobjoog ka ahaa gudoonka sare ee Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida, waxaana xukunka labadaab nin uu guddoonka Maxkamadda ku sheegeen inuu yahay qisaasta dadkii ay horay u dileen.

Si kastaba ha ahaate dilkaan xubnahaan ka tirsan Al-shabaab ayaa kusoo aadaya, iyadoo mudooyinkii dambe Maxkamadda ciidamada qalabka sida ay kordhisay fulinta xukunada toogashada ah, waxaana xusid mudan iney weli xabsiyada ku xiran yihiin rag kale oo horay loo xukumay iyo kuwo kale oo xukun sugayaal ah.