Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa aroornimadii saakay fulisay xukun dil toogasho ah kaasoo ay ku fulisay Nin horay dil ugu gaystay Masuul katirsanaa Ciidanka Nabad Sugidda Soom,aaliya.
Fagaaraha weyn ee Iskool buluusiya ayay Toogashada ka dhacday, waxaana halkaasi goobjoog ka ahaa Saraakiisha ugu sareysa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Ciidamada ammaanka.
Ninka saakay la toogtay oo magaciisa lagu sheegay Yuusuf Xuseen Maxamuud waxaa lagu helay dambi ah inuu dilay C/wali Ibraahim Maxamed Taliyihii Nabad sugidda Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Taliyihii Nabad sugidda Gobolka Shabeellaha Dhexe C/wali Ibraahim Maxamed ayaa 21-kii bishii June ee sanadkii hore waxaa lagu dilay Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa fulisa xukunada dilalka ah xubnaha ka tirsan Al-Shabaab iyo Ciidamada gaysta dilalka dadka rayidka ah.