Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukun riday

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Darajada Koowaad qeybta 27-aad ee Gobolka Hiiraan ayaa maanta waxa ay xukun ku riday Eedeysanayaasha kala ah Yuusuf Xuseen Ibraahim oo 31 sano jir ah iyo Aadan C/laahi Xasan oo 25 sano jir ah.

Xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa raggan ku soo eedeeyay in ay yihiin Burcad hubeysan, caadeysteyna dhaca dadka shacabka ah gaar ahaan Magaalada Beledweyne Galbeedeeda.

Raggan oo Dacwadooda loo fariistay 16-kii bishan ayaa ugu dambeyn waxaa lagu xukumay min Saddex sano oo xabsi Ciidan ah, cidii aan ku qanaceysaneyn xukunka lagu riday raggan ayaa waxaa u furan racfaan, sida Maxkamaddu ay sheegtay.

 Sidoo kale Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida qeybta 27-aad ayaa waxa ay xukun ku riday Abuukar Yuusuf Ibraahim oo ka tirsan Ciidanka xoogga, kadib markii uu ka baxay Difaacii lagu ogaa, oo meel difaaca ka baxsan uu kula diriray dad shacab ah, lagana qaatay Qorigii uu watay, balse shacabka Qoriga ay ku soo celiyeen Taliska Ciidanka, waxaana ugu dambeyn lagu xukumay Afar sano xabsi Ciidan ah.

Guddoomiye kuxigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Darajada Koowaad qeybta 27-aad ee Gobolka Hiiraan Dhamme Maxamed Cabdulle Aadan ayaa ugu dambeyn Maxkamadda kaga hor dhawaaqay xukunka raggan lagu riday.

28-kii March ee bishii ina dhaaftay ayaa Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay xukuno kala duwan ku riday ilaa Shan qof oo midi ay Haweeney aheyd, kuwaasi oo qaarkood ka maqnaa gacanta Hay’adaha ammaanka.