Xukun dil ah ayaa saaka lagu fuliyey Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud “Salmaan” iyo Aadan Mursal Maxamed Iidoow, kuwaas oo ka tirsanaa Khawaarijta, gaar ahaan qeybta qaraxyada iyo dilalka gaadmada ah.
xubnahaan khawaarijta katirsana ayaa horey loogu soo qabtay falal amni-darro oo ay ka geysteen gudaha Soomaaliya, waxaana Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay ku heshay dambiyo culus oo ay ka mid yihiin:
Dilal qorsheysan iyo qaraxyo lala beegsaday shacabka iyo masuuliyiinta.
Falkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo (Puntland), halkaas oo ay ku dileen haldooro bulshada ka tirsanaa, oo ay ku jireen nabadoono iyo odayaal dhaqameed caan ah.
Ka qayb qaadasho toos ah oo ay ku lahaayeen falalka gumaadka iyo cabburinta bulshada rayidka ah.
Maxkamadda Ciidamada ayaa markii hore dhageysatay dacwadda ka dhanka ah ragaan la shaqeynayay khawaarijta, iyadoo caddeymo muuqda iyo markhaatiyaal lagu soo bandhigay, taas oo horseeday in lagu rido xukun dil toogasho ah,oo ugu dambeyn maanta lagu fuliyay.