Maxkamada Sare ee Puntland oo u fariisaneysa wajiga 2aad ee Kiiska Kufsiga Caa’isha Ilyaas

Maanta ayaa la filayaa in Maxkamadda sare ee Puntland inay markale u fariisato wajiga labaad ee dacwada la xiriirta falkii Kufsiga iyo dilka ahaa ee Bishii Febaraayo ee sanadkaan Magalada Gaalkacyo loogu geystay Caaisho Ilyaas Aadan.

Maxkamada ayaa markale dhageysan doonta eedeymaha loo jeediyay Xubnaha horay loogu xukumay iyo qareenada u doodaya eedeysanayaasha,waxaana la filayaa in Maxkamada Sare ay Maanta go’aan ka gaarto kiiskaas.

Saddexda Nin ee loo feystay falkaas oo lagu kala Magacaabo Cabdifataax Cabdirahman Warsame,Cabdisalaan Cabdirahman Warsame ayaa waxaa horay xukunj dil toogasho ah ugu riday maxkamadaha derejada 1aad iyo rafcaanka gobolka Nugaal,hayeeshee ay racfaan ka qaateen.