Maxkamada Gobolka Maroodijeex oo xukun ku riday laba wariye

Maxkamada Gobolka Maroodijeex ayaa midkiiba Sannad iyo 4 bilood oo xabsi ah ku xukuntay mulkiilaha MMTV Maxamed Cabdi Ilig iyo madaxa wararka ee Horn Cable TV Cabdijibaar Maxamed Xuseen.

Maxkamada ayaa xoriyadiisa u celisay wariye Cabdiraxmaan Cali Khaliif oo ka tirsan bahda Gobonimo TV oo xaruntiisu tahay Hargaysa.

Wariyayaashan ayaa kamid ahaa 18 wariye oo isla maalin qudha xabsiga la dhigay 13, April, 2022, iyaga oo kasoo waramaya gadood ay sameeyeen maxabiista ku jirta Jeelka Wayn ee Hargaysa.

Maxkamada ayaa  6 cisho kadib fasaxday 15 kamid ah wariyayaasha la xidhay iyadoo Ilig, Cabdijabaar iyo Khaliif ay xabsiga ku hadheen.

Luqmaan Maxamed Faarax oo kamid ah maamulka MMTV, oo waraysi siiyay CBA, ayaa ku andacooday in xukunka Ilig ku dhacay uu daba socdo cadaadis iyo caga juglayn lagu hayay in muddo ahba, oo la doonayay in shaqadooda lagu kala dhantaalo.

“Waa in badan cadaadis na saarnaa, oo anaan bulshada la wadaagin oo nala lahaa, doodaha joojiya oo nala lahaa dhex dhexaadnimo ha u shaqaynin, oo nala lahaa cid gaar ah u adeega oo aanu diidanayn, ayaad moodaa in fursadan Maxamed lagu helay looga faa’iidaystay” ayuu yidhi Luqmaan.

Sidookale, Maxkamada ayaa MMTV ku eedaysay in uu sifo sharci daro ah ku howlgalay oo aanay ruqsada shaqadu u dhamaystirnayn, waxaana lagu amray in ay ka howlgalaan sidii ay sharciga howlgalka TVga usoo d